|
Xaalada Magaalada Muqdishu oo Maanta Degan |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 07 November 2007 |
|
Muqdishu,(Insidesomalia.org)- Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta degan ayadoo aysan jirin wax rabshado ah oo ka dhacay,inkastoo ay ka sii socdaan baaritaanada ay wadaan Ciidamada Dowlada Ethopia iyo kuwa Dowlada Faderaalka ee Somaaliya.
Deegaanadii ay shalay galeen Ciidanka Ethopia ayaa Manta degan kamana jiraan rabshadihii horey looga bartay oo kasocon jirey.
Degmada Dayniile ayaa maanta waxaa kasoconaya baaritaano xoogan taas oo ,Dowlada KMG Somalia ay sheegtey in howlaha soconaya ay yihiin kuwo lagu sugayo Amniga iyo kala danbeenta Caasamada Somaaliya.
Howlgallada Ciidamada Ethopia iyo kuwa Soomaalida ay wadaan ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada Muqdisho ka dhacayaan Dagaalo iyo qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowlada Faderaalka iyo Kuwa Ethopia.
Sidoo kale waxaa warka ka imaanya Magaalada Mogdishu ay sheegayaan in ayaduna Baaritaano ay kabilaabeen Ciidamada Ethopia wadada muhimka ah ee udhaxeeya Mogdishu iyo Afgooyi halkaas oo bariyahan danbe qaraxyo loogu geysanayey Ciidamada Ethopia oo soogalaya Caaimada Mogdishu.
|